Saxiib Fiican Waa La Kasbadaa

Qoraalkan waxan idinkula wadaagayaa sheeko qiima daba xambaarsana cashar muhiiman.
Malin aya laba saaxiibo kuwada safray dhul saxara ah, intii ay safarka ku guda jireen ayaa labadii saxiib dood xamaasadeysan dhexmartay. Mid ka mid labadi saxiib ayaa dharbaaxo kulul qabadsiiyay saxiibkii. Kii la dharbaaxay wax falcelin ma uusan sameyn, lakiin dhulka ayuu ku xariiqay “saxiibkeeyga qaaliga aya maanta I dharbaaxay”.

Safarkoodii ayey iska sii wateen muddo yar kadib, saxiibkii la dharbaaxay ayaa kudhacay god dhoobo/dhiiqo kadibna noloshiisa halis gashay, kadib saxiibkiisii horay u dharbaaxay ayaa kasoo badbaadiyay godkii uu ku dhiman gaaray. Saxiibkii horay loo dharbaxay hadana la badbaadiyay ayaa dhagax dushiisku xariiqay “saxiibkeyga qaaliga ayaa maanta I badbaadiyay”.

Saxiibki aya weydiiyay ujedka uu markii hore uu dhulka ugu xariiqay, markan dabna dhaxaga ugu dulqoray, iyo farqiga u dhexeeyay.

Saxiibkii ayaa ju jawaabay “Marka uu shaqsi qalad kaa gallo dhulka waxan ugu qoray si ay dabeylaha naxariista u tirtirto…, lakiin marka uu wanaag sameyana waa in weyneenaa oo dhagax ku dulqornaa si ay dabeeluhu uturtirin”

Xikmadda sheekadan ayaa ah in aan iska cafinaa qaladaadka uu shaqsi(saxiib) kaa galo,

Hadana aan qadarinaa qiimaha dadka wanagsan ee nolosheena sameynta wanagsan ku leh.

Saxiib fiican la´iskama hello ee wa la kasbadaa

Share

Share on facebook
Share on whatsapp

Comment Hoos Inoogu Reeb

subscribe

Qoraallo Kale

kabarro

Madooneysaa in aad kobciso xirfadaada si fursadaada mustaqbalka u korodho 

Qorraalladii Ugu Danbeeyay

alios

10ka Faaido Ee Aqriska

WAA MAXAY MUHIIMADDA IN LA´ AQRIYO MAALINKASTA? Goorma ayaa kugu danbeysay inaad aqriso Qur´aanka kariimka, buug, joornaallo ama maqaalo xiiso leh? Caado miyaad ka dhigatay

Read More »
alios

Maxaa Kaa Hor Taagan Guusha?

Qoraalkan waxaan kusoo qaadan donaa caqabaddaha saameeya maskaxdaada. Imisa caqabadood ayaa “sax” ah, imisa ayaa ah mala´awaal?Maxaad ka dhaadhicisay nasfsadaada in aadan qaban karin?Maxaad ku

Read More »
alios

Maxaad Kula talin Leheyd?

Maalin ayaa nin oday aad uga xumaaday markuu arkay ubadkiisii curadka oo la dhuumaaleysanaya muqaadaraadka sida sigaarka iyo jaadka(khaat). Ninkii odayga aya kuu yimid isaga

Read More »

Subscribe si aan kugu soo dirno fariimaha cusub