SU´AASHA UGU MUHIIMSAN NOLOSHAADA

Qofkasta wuxuu rabaa inuu ku nolaado nolol wanaagsan farxadna ku dhehan, Xiriir wanaagsan iyo jeceeyl, inuu qurxoonado lacagna leeyahay bulshada laga dhexyqaano, mida inaa kasii muhiimsan aya ah in dhaman ay jecelyihin in ay aaqira Janadda galaal aduunkana nolol wacan ku nolaadan.
Waa hubaal ah qofkasta wuu jecelyahay arrinkan – waxaa sahlan inuu qofku iska jeclaadaa.
Hadii lagu weydiiyo, “ nolosha maxaad ka damacsantahay” kuna jawabto waxan rabaa “in aan farxad aduun iyo aqiro ku nolaado, famil fiican yeesho iyo shaqo wanagsan” waxaa iska sahlan inuu qofka iska shegta wuxu nolosha ka damacsnyahay.
Lakiin su´aasha ugu xiisaha badan ayaa ah mid aana badanaa la´is weydiinin, taa oo ah xanuun noocee ayaad nolosha urabtaa? Maxaad damacsantahay inaad u quurto waxa aad damacsantahay? Sababta oo tani wexeey go´aamisaa waxa aan nolosha ka damacsannahay.
Qofkasta wuxuu rabaa inuu Janadda galaa, lakiin qofkasta diyaar ma u ahan inuu u maraa wadadii loomari lahaa, sida udulqadashada baahida waqtiga soonka iyo u taagnida salaada saqdii dhexe habeenkii iyo kafoganshaha waxkata oo ka weecinkara dariiqadda toosa.
Qofkasta wuxuu rabaa inuu helaa shaqo heer sare iyo laca kufilan, lakiin qofkasta diyaar ma u ahan inuu layimaadaa dadaalkii lagu gaari lahaa, sida shaqeeynta ugu yaraan 70 sacadood isbuucii. Sidoo kale qofkasta wuxuu rabaa inuu noqodo taajir dhib la´an, ama u sabrida duruufaha lagu noqonlahaa taajir.
Farxad kasta wexey u bahan tahay dadaal. Dabeecadahena badanaa waa kuwo isku mid oo ah inaan rabnaa waxkata oo fiican. Waxaa sahlan in aan xakameeyno duruufaha wanaagsan, dabcan duruufaha xumi aya ah kuwa an dhibatada ka marnaan. Lakiin waxa hubaal ah hadafka nolosheena ma go´aamiso wanaaga aan la kullanno lakiin dhibatada aan diyaarka u nahay inaan u dulqadana aya ina garsiin karta hadafkeena.
Qofkasta wuxu rabaa inuu ahaado qof qaab iyo qurxba leh. Lakin manoqonkartid ilaa aad diyaar ad u noqotaa u sabarka xanuunada la xariira ku dhex noolanshaha jiimka saacad ama laba saac. Wa in aad diyaar u ahaato xakameeynta cunnada aad cunto iyo xisaabinta maadoyinka kujira cuntada.
Qofkasta wuxuu rabaa inuu ganacsi uu masuul kayahay uu sameystaa. Lakiin ganacsade guul gaara ma noqonkaro qofka ilaa uu kufaxsanaadaa qatarta joogtada, qasaaraha soo laablabta, iyo inu qofka shaqeeyo saacado badan ayad oo la´ogeyn in guula lagaarayo iyo inkale.
Waxa kuu horseeda hadafkaada guusha ma´aham “Rabitaankaada waxyaabaha aad xiiseeysid ” lakiin su´aasha ayaa aha “ Xanuun kee baad u adkeysan kartaa?” qiimaha noloshaada ma go´aamiso qiimaha wanaagii aad la kulantay noloshaada, laakiin waxaa go´aamiya waxkabarashada duruufihii adkaa ee kusoo maray.

“Dadaalaa wuu gaaraa”

Share

Share on facebook
Share on whatsapp

Comment Hoos Inoogu Reeb

subscribe

Qoraallo Kale

kabarro

Madooneysaa in aad kobciso xirfadaada si fursadaada mustaqbalka u korodho 

Qorraalladii Ugu Danbeeyay

alios

Sideed Qalad Ee Hadaf Dajinta

Riyadaada Ka Rumee, Iska Ilaali Qaladaadka hadaf dajinta Axmed wuxuu ku fakirayaa hadafkii u dajistay(qortay). Waxkasta sidii laga rabay ayeey ku socdeen. Horumar ayuu sameeynayay.

Read More »

Subscribe si aan kugu soo dirno fariimaha cusub