Maxaa Kaa Hor Taagan Guusha?

Qoraalkan waxaan kusoo qaadan donaa caqabaddaha saameeya maskaxdaada.

Imisa caqabadood ayaa “sax” ah, imisa ayaa ah mala´awaal?
Maxaad ka dhaadhicisay nasfsadaada in aadan qaban karin?
Maxaad ku xaddiday awoodahaada?
Yaa kaa dhaadhiciyay howlaha qaar in aadan qabankarin?  Waxaa suura gal ah inaad maqashay awoodaha maskaxda aan lasoo koobi karin.

Su´aasha muhiimka ayaa ah

“Maskaxdaada ma ku shaqeeysataa mise caqabad ayeey kugu tahay?

Sikasta uu hadafku yahay, badankeen waan ka niyad jabnaa gaaridda yoolka, kahor inta aan wajihin caqabadaha runta ee la xiriira hadafka. Caqabdad kasta waa mid u gaar kuna cusub qof kasta. Lakiin latacaalka caqabadaha ayaa ah badanaa mid simman …. Cabsi… Walwal.. Jahwareer…Caawimaad la´aan…. Xanaaq.
Waxaa laga yaabaa mararka qaar in xaalad adag kula soo daristo una baahan sabar bada. Waxaa laga yaabaa inaad ku qasaarto gancasiga, ama aad gaari weyso guusha aad rajeeyneesay. Xaalad kasta waxaa u saaxiib ah caqabaddo iyo culeeysyo u gaar ah, marnaba ha aaminin inaadan ku guuleysan karin hadafka, caqabadaha la xiriira darteed.
Xusuusnoow caqabad kastaa waa fursad qaali ah oo aad ku gaari leheed hadafkaadda. Raadi xalka caqabad kasta, una badal tamar ku gaarsiisa hadafka. Nafsadaada ka xoreey xuduudaha fikirkaada. Xad malahan himiladda iyo guulaha aad gaari karto. Hadii aad la timaaddo go´aan iyo dadaal, riyadaada wexeey noqondoontaa run ia.
U isticmaal maskaxda si aad u gaarto hadafka, yeysan noqon caqabadan kaa hor taagan guusha. Waxaa suuragal in niyaddaada ay kaa dhaadhiciso « waxan masameeyn kartid», lakiin waa inaad is aminsanaataa, ga´aana qaadataa, kuna dhiirataa gaaridda hadafka.
Dadaala wuu gaaraa.
Wali ma is weeydiisay:

Hadafkaada ugu muhiimsan ma gaartay?

Share

Share on facebook
Share on whatsapp

Comment Hoos Inoogu Reeb

subscribe

Qoraallo Kale

kabarro

Madooneysaa in aad kobciso xirfadaada si fursadaada mustaqbalka u korodho 

Qorraalladii Ugu Danbeeyay

alios

Sheekadii Raha

Waa sheeko muhiim, xambaarsana cashar muhim Xeeyn rah ayaa maalin duurka ku wada safray. Nasiib xumo laba ka mid ayaa god dhoobo ah ku dhacay.

Read More »
alios

Sideed Qalad Ee Hadaf Dajinta

Riyadaada Ka Rumee, Iska Ilaali Qaladaadka hadaf dajinta Axmed wuxuu ku fakirayaa hadafkii u dajistay(qortay). Waxkasta sidii laga rabay ayeey ku socdeen. Horumar ayuu sameeynayay.

Read More »

Subscribe si aan kugu soo dirno fariimaha cusub