Sheekadii Raha

Waa sheeko muhiim, xambaarsana cashar muhim

Xeeyn rah ayaa maalin duurka ku wada safray. Nasiib xumo laba ka mid ayaa god dhoobo ah ku dhacay. Marka rahyadii kale ay arkeen sida godku uu u dheraa, ayeey ku wargaliyeen in labadan rah aysan leheeyn wax fursad ay ku badbaadi karaan, ugu danbeyna ay ku dhiman donaan godka.

Labadii rah ayaa iska indha saabay hadaladii loo soo jeediyay, wexeeyna isku dayeen in ay soo boodaan ayna kasoo baxaan godkan dhoobadda intii karaankoda.

Rahyadii kale ma aysan ka joojin in ay ku celceliyaan usheegidda in aysan kasoo bixi karin ayana isdhiibaan.

Ugu danbeyn… mid ka mid ah labadii rah ayaa dhageystay waxa rahyada kale ay ushegayeen iskana quustay.

Hadaba…….Maxaa helay rahii kale?

Rahii kale wuu sii waday booditaanka. Dhamaan rahyadii kale ayaa ku qeeyliyay una sheegay inuu joojiyo
boodidda iyo xanunka la xariira. Rahii wuu sii xoojiyay inuu booddo…. ugu danbeeyntii wuu kasoo baxay godka.

Markuu banaaka yimid ayeey weydiiyeen sababta uu umaqli wayay warkooda.

Rahan ayaa ahaa mid dhagoole…..

Wuxuu u sharaxay inuusan waxba maqlin. Wuxuuna mooday in ay ku dhiira galinayeen xilliga oo dhan sida uu uga soo bixi lahaa godkan.

Waxan qiyaasayaa in ay wax kaaga bexeen shekadan gabaan….

Raha isdhiibay ayaa noqday mid aan leheeyn kalsooni. Kalsooni daradan oo ku saleeysan waxa ay dadka kale ka sheegeen.

Raha kasoo baxay godka ayaa ku dhiiraday kana dhaadhiciyay maskaxdisa inuu gaaro hankiisa iyo sida uu ku badbaadi lahaa.

Waxaa hubaal ah in dhamanteen marar badan dadka wax inaga shegaan kalsoonideena dhaawaca.

“Dadalka badi, hana dhegeeysan waxa dadka kale ay kaa sheegaan. Lahaaw kalsooni buuxda, hankaadana ha weynaado. Waxaan ku rajeeynayaa Guul Insha Allah.”

Share

Share on facebook
Share on whatsapp

Comment Hoos Inoogu Reeb

subscribe

Qoraallo Kale

kabarro

Madooneysaa in aad kobciso xirfadaada si fursadaada mustaqbalka u korodho 

Qorraalladii Ugu Danbeeyay

alios

Saxiib Fiican Waa La Kasbadaa

Qoraalkan waxan idinkula wadaagayaa sheeko qiima daba xambaarsana cashar muhiiman.Malin aya laba saaxiibo kuwada safray dhul saxara ah, intii ay safarka ku guda jireen ayaa labadii

Read More »

Subscribe si aan kugu soo dirno fariimaha cusub