Qoraalkan waxan idinkula wadaagayaa sheeko qiima daba xambaarsana cashar muhiiman.
Malin aya laba saaxiibo kuwada safray dhul saxara ah, intii ay safarka ku guda jireen ayaa labadii saxiib dood xamaasadeysan dhexmartay. Mid ka mid labadi saxiib ayaa dharbaaxo kulul qabadsiiyay saxiibkii. Kii la dharbaaxay wax falcelin ma uusan sameyn, lakiin dhulka ayuu ku xariiqay “saxiibkeeyga qaaliga aya maanta I dharbaaxay”.
Safarkoodii ayey iska sii wateen muddo yar kadib, saxiibkii la dharbaaxay ayaa kudhacay god dhoobo/dhiiqo kadibna noloshiisa halis gashay, kadib saxiibkiisii horay u dharbaaxay ayaa kasoo badbaadiyay godkii uu ku dhiman gaaray. Saxiibkii horay loo dharbaxay hadana la badbaadiyay ayaa dhagax dushiisku xariiqay “saxiibkeyga qaaliga ayaa maanta I badbaadiyay”.
Saxiibki aya weydiiyay ujedka uu markii hore uu dhulka ugu xariiqay, markan dabna dhaxaga ugu dulqoray, iyo farqiga u dhexeeyay.
Saxiibkii ayaa ju jawaabay “Marka uu shaqsi qalad kaa gallo dhulka waxan ugu qoray si ay dabeylaha naxariista u tirtirto…, lakiin marka uu wanaag sameyana waa in weyneenaa oo dhagax ku dulqornaa si ay dabeeluhu uturtirin”
Xikmadda sheekadan ayaa ah in aan iska cafinaa qaladaadka uu shaqsi(saxiib) kaa galo,
Hadana aan qadarinaa qiimaha dadka wanagsan ee nolosheena sameynta wanagsan ku leh.
Saxiib fiican la´iskama hello ee wa la kasbadaa