Maalin ayaa waxaa safar tareenka ku safray wiil iyo aabihii. Wiilka ayaa ahaa 24 jir fadhiyayna dhinaca dariishada tareenka. Wiilkan ayaa mar qura ku dhawaaqay “aabe fiiri, geedaha gadaal ayeey u socdaan!” Aabihii ayaa dhoola cadeeyay.
Dad fadhiyay kuraasta ku dhadhaw ayaa la yaabay wiilka 24 jirka sida caruurta u dhaqmaya. Waxyar kadib wiilkii ayaa markale ku dhaawaaqay “ Aabe fiiri, daruuraha weey nala ordayaan!”
Dadki aya u dulaqaadan waayay una sheegay aabihi dhalay wiilka.. “ Maxaad wiilkaada dhaqtar fiican u geeyn weeysay si loo daaweeyo?”
Aabihii aya markale dhoola cadeyay kuna dhahay “ waxan u tagnay dhaqtarka, hadana waxaan ka soconaa isbitaalka, wiilkeeygan wuxuu ku dhashay indho la´aan, Maanta waa markii ugu horeeysay uu ebad wax arko.
“Fadlan kafogoow inaad wax nacdo ama go´aan aad ka gaarto barasho horteed”