10ka Faaido Ee Aqriska

WAA MAXAY MUHIIMADDA IN LA´ AQRIYO MAALINKASTA?

Goorma ayaa kugu danbeysay inaad aqriso Qur´aanka kariimka, buug, joornaallo ama maqaalo xiiso leh? Caado miyaad ka dhigatay inaad aqrintaada ku soo kooboto aqrinta sadaradda kooban ee facebook, Snapchat ama Twitterka? Hadii aad ka midtahay dadka tirada badan ee aan caado ka dhigan inay wax aqriyaan si joogta ah, waxeey ubadantahay inay faaiidooyin badan kudhafeen:.

Allah SW. qur´anka kariimka wuxuu inoogu sheegay muhiimadda iyo awooda ay leedhay aqrinta, aayadii ugu horeeysay ee quraanka lagusoo dajiyay Nabigeena s.c.w. Ayaa lagu amray inuu wax aqriyo. Sidaas dartee aqrinta wexeey leedahay faaidooyin badan aan lasoo koobi karin, halkan waxan ku soo koobay 10 kamid ah faiidooyinka ugu muhiimsan ee aqrinta

1. CARBINTA MASKAXDA
Qodobkan koowaad ayaa ah in marka cilmibaaris la sameeyay ayaa lagu ogaaday carbinta (kicinta) maskaxda ay dib u dhigi kartoama ka hortagi karto cuduradda sida Alzimer´s iyo Dementia, sababta oo ah maskaxda marka si joogto ah looga shaqeysiyaa aya ka hortagta inay howlgab noqoto. Sida muruqyada kale ee jirka, maskaxda wexey u baahantahay jimicis joogta ah si howsha ay qabaneeyso ugu hesh awood iyo caafimaad. “Qofkasta muruquu jimisi joogt siya ayuu u weeynadaa” waa muhiim in had iyo jeerba maskaxda laga shaqeysiyaa.

2. YAREEYNTA FIKIRKA BADAN/ STRESS
Sikasta uu badanyahay fikirkaada ama streskada laxiriira shaqada ama xiriirka aad dadka laleedahay ama dhibaatooyinka kale aan lasoo koobi karin ee sababa fikirka iyo streska mararka qaarna sababa hurdo yaridda. Hadaba fikirkan badan waxaa lagu yareeyn karaa aqrinta qur´aanka kariimka ama sheeko xiiso leh, aqriskan aya kuu sahlaaya inaa fikirkaada badan uu yaraado kana saaro maskada xalaada xaadirka aad ku sugantahay.

3. KOBCINTA AQOONTA
Marksta oo aad wax aqriso maskaxdada wexeey keeydineeysaa macluumaad dheeri ah, macluumaadkan oo kaa samata bixinkara caqabadaha kusoo wajaha mustabalka dhaw iyo kan fogba. Shaqsi walba intuu ka macluumaad badanyahay qofka kale ayuu dheeryahay awooda xallinta qilaafaadka ama caqabadaha nolosha.

Maraka qaar waxa suuragal aha inay musiibo ku qabsato, aadna weeyso wax kasa oo maal aduun aad leheeyd ama shaqada aad weyso. Sikasta ha ahaatee aqoontada weey ku hareysaa ugu danbeyn.

4. KOBCINTA ERAYADA
Qodobkan wuxuu la xiriiraa kii hore (3ad): markasta oo aad badisid aqirnta, waxaad faaideysaa erayo badan oo kugu cusub, erayadan oo kuu sahlaya inaad u isticmaasho hadalkada. Markast oo aad isticmaasho erayo munaasab ah, hadalkada wuxuu noqonayaa mid tayo iyo xikmad ku dheehan, soona jiidankara dhageystaha. Shaqsiga markuu mawduuca uu ka hadlayo u adeegsan karo erayo munaasab oo heer sare ah, aya sare uqaadi kara kalsoonida ah inuu si heersare oo murtina ku dheehan usoo jeediyo waxa uu soo jeedinayo.

Aqrinta buugagta wexeey kaloo udub dhexad u tahay barashada luuqad kale oo cusub, kuuna fududeynkarta kuhadalka iyo qoraakla luuqad cusub.

5. WANAAJINTA MASKAXDA
Markaad aqrineyso buug ama sheeko xiiso leh, maskaxdada wexey xasuusaneysaa shaqsiyaadka lagu xusay shekada, meshey kasoo jedaan taariiqdooda, dadkeey wada xariiraan iyo dhaman waxkasta oo ku xusan waxa aad aqrineeyso. Mararka qaar dadka ku xusan shekada ama taarikhda qoraalka ayaa aad u fara badan, lakiin maskaxda wexeey awood u leehadahay inay xusuusato. Waxaa cadjiib ah markasta oo xasuus cusub ay maskaxda sameeyso, maskaxda wexey abuureysa waddo unugyo susub, xoojineysana xasuusti hore.

6. XIRFAD FAANQEEYN BUUXDA
Wali ma aqrisay sheeko casjiib ah, xallisayna qilaafka iyo halxiraalaha ku xusan buuga ka hor inta aada buuga aqriskiisa dhaynin. Hadey jawaabta tahat “haa”, waxad awoodaa inaa ka fikirto sida aad ku xalin leheeyd xujadda aadna falanqeeyso adigoo adeegsanaya qoralada aad ka sameysay macluumadki lagu siiyay.

Mararka qaar waxaa suura gal ah buuga aad aqrisay inaad la wadaagto dadkale, fikirkaadana ka dhibato ama aad sharaxaad/falanqeeyn ka bixiso buuga.

7. HORMARINTA DIIRADSAARIDDA
Manta aduunka waxa qabsaday teknoolajiyo iyo internet, taxadarka iyo diirad saaridda ayaa aad u yaraatay. 5-daqiiqo gudhooda, shaqsiga caadiga aya waqtigiisa u qeeybiya inuu howlqabto, emailka fiiriyo, lahadlo dadkale (isticmalka facebook iwm.), kumashqulida mobilka iyo inkaloo badan. Mashquulka noocan ayaa ka dhasha walwalka iyo streska maadama uu shaqsiga ku qabanayo howlo badan waqtiyar.

8. XIRFADDA QORITAANKA FIICAN
Qodobkan wuxuu la xiriiraa qodobka ah kobcinta erayada. Shaqsiga aqriska badan waxaa u fudud inuu sameeyo qoraallo sifiican loo soo diyaariyay murtina leh, kalsoonina u leh inuu soo daabaco qoraallo, lana wadaago bulshada.

9. XASILOONI
Inta badan dadka wexeey aqriyaan ayakoo fadhiya halka qaar kalena ay aqriyaan ayaka oo jiifa, xaaladdan fadhiga ama jiifka ayuu shaqsigu ku heli karaa nasiino intuu ku guda jiro aqrinta. Waxaa kaloo suuro gal ah in waxa aad aqrineyso ay kuu sahasho inaad hesho xasilooni. Tusaalo fican ayaa ah in uu qur´aanka daawo u yahay dhamaan dadka ay ku yartahay xasiloonidda nafsiga.

10. MADADAALO XOR AH
Dadka qaar aya jecel in ay soo gataan buugaag xiiso leh, halka dadka dhaqalohooda hooseyan ay booqan kara maktabadaha u dhadhaw, kana heli karan buugagta qeeybeheeda laka gadisan,

Hadii ay dhacdo inaad dagantahay meel aan maktabad leheeyn, ama aynan kuu sahlaneen inaad gaarto makrabadda, badanaa maktabadaha wexeey ku hayaan buugagta PDF ahaan ama ePub si aad ugu aqrisato mobilka, iPad ama kombuterka. Waxaa kale oo jira ilo badan oo online ah, halkaas oo aad kasoo dajisankarto buugaag lacagla´aan ah, waxa kaliya aad u baahantahay inaad iska diiwan galiso.

Share

Share on facebook
Share on whatsapp

Comment Hoos Inoogu Reeb

subscribe

Qoraallo Kale

kabarro

Madooneysaa in aad kobciso xirfadaada si fursadaada mustaqbalka u korodho 

Qorraalladii Ugu Danbeeyay

Subscribe si aan kugu soo dirno fariimaha cusub