Sideed Qalad Ee Hadaf Dajinta

Riyadaada Ka Rumee, Iska Ilaali Qaladaadka hadaf dajinta

Axmed wuxuu ku fakirayaa hadafkii u dajistay(qortay). Waxkasta sidii laga rabay ayeey ku socdeen. Horumar ayuu sameeynayay. Wanaag ayaa uga muuqday sida uu wax u waday kuna faraxsanaa fursadda mustaqbalka. Lakiin maxaa ka qaldamay?

Gaarida hadafka waqti aad u dheer ayuu qaatay, wuxuuna kala kulmay niyad jab iyo xiiso la´aan. “Wali tan oo kale mala kulantay.”?

“Qoraalkan waxaan ku eegi donaa qaladaadka loo badanyahay marka ladajinayo hadafyada. Baro sida aad u xakameynleheed qaladaadkan, si aad uga badbaado Insha Allah.”

Qaladka 1aad. Dejinta Hadafyo Aan Macquul Eheen

Markaad hadaf macquul ah dajineeysid. Waa muhiim inuu hankaga weynaado aad la timaado fikraddo iyo hami fiican. Sikastaba ha ahaatee markaad hesho hadaf fiican, waxaad hubisaa in hadafku uu yahay mid macquul ah lana gaarikara.
Tusaale ahaan, haduu hadafku yahay in aad noqoto oradyahan. Waxaa suuragal eheen in hadafkadu uu noqo in aad orado bisha oo dhan, hadii aadan horay aalminto u fican usoo qaadan. Ama haduu hadafku yahay inaad noqoto hogamiye/maamule shirkad, marka hore waa in aad xirfad u ledahay.
Dajinta hadafyada macquulka aya aya muhiim in aad isticasho istratiijiyo sida; waa inaad hubisaa hadafyadda in ay cayimanyihiin, la cabirikaro, lagaarikaro, haboon waqtina ku xiran.

Qaladka 2aad. Ku Mashquulida Qeeybo Yar

Hadii uu liiska hadafkadu yahay sandakan cusub in aad kobciso ganacsigada, in aad aqriso quraanka dhameyso bishiiba, iyo aqrinta boogaag kale.
Inkastoo ay hadafyadaan yihiin kuwo muhiim ah lana gaari karo, lakiin dhibka wuxuu noqonayaa in aad ku mashquushay qeybyar oo ka mid ah noloshaada.

Gabi ahaan waxa ka maqan hadafyada qeybaha kale ee noloshada.
Dadka qaar aya badanaa sameysta hadafyo ku kooban shaqadooda oo kaliya. Ayaka oo iska indhasaabaya hadafyada kale ee noloshooda farax galinkara. Sidada qorida boog, xariirinta walidiinta iyo qarabada, nadafada guriga iwm.
Marka aad liiska hadafyada sameysaneesid, waxad hubisaa in aad haleesho hadafyo sax ah iskuna dheelitiran, kuwa oo tabanaya qeybaha kale ee nolosha. Ogsoonow isku dhelitirka nolosha looma sinaa oo dadka weyku kala duwanyihiin.

Qaladka 3aad. Qadarin La´aan Waqtiga Dhameystirka

Imisa jeer ayeey kugu qaadatay in aad howsha ku dhameyso waqti ka dheer waqtigii loogu talagalay? Dabcan in badan aadan xisaabi karin.

Hadii aadan si sax ah u qiyaasi karin waqtiga hadafka lagu dhameyn lahaa, wexey noqonkartaa mid niyad jab leh markad howsha waqti ka dheer ku qabato waqtigii loogu talagalay.

Si looga badbado arinka ayan ah in si fican loo isticmalo xakameynta waqtiga markad qorsheynesid hadafyada. Qorsha waa in aad ku darsataa waqti dibudhac oo dheeri ah markad qiyaaseeysid waqtiga hadafka lagu qabanayo, tani wexey kuu sahleysaa in aad culeeysku waqtiga uu kaa yaraada.

Qaladka 4aad. Qaladaadka oo aan la qadarin

Sikasta howshada ha u adkaato, mararka qaar wexeey u badan tahay in aa ku dhacdid gaaridda hadafkaada. Midan aya mid iska caadi ah, qofkastana la darsa.

Sikastaba ha noqotee, guuldaradaa aya ah midda ugu danbeeyntii go´amisa dabeecadada iyo dadnimadada. Guuldaradu wexey xambarsantahay casharro wax ku ool ah noloshadana wax weyn ka badali kara, hadii aad ku dhiirato in aad wax ka barato.

Sidas darteed ha ka murugoonin hadii aad ku guul dareysato inaad gaarto hadafyadaada – qoraal yar ka sameey meesha ay wax ka qaldameen una isticmaal aqoontan inaad ku gaarto hadafkada marka xiga.

Qaladka 5aad. Dejinta “dadka kale hadafyadooda”

Dadka qaar sida saaxibada, familka ama madaxdada – aya raba in ay sameyn ku lahadan hadafyadaada aad samysatay. Lagayabee in ay dareemeen in ay ogyihiin ama aqoon u leyihhin waxa kuu wanagsan, ama wexey rabaan waddo cayiman ama waxyaabo gaar ah aad sameeysaa.

Dabcan, waa muhiim in aad xariir wanagsan la ledahay dadkan, aad na sameysaa waxa madaxdada ka donayaan, wixii macquul ah.

Sikastaba ha ahaatee, hadafyadada waa in ay ahaadan kuwo kuu qaas ah. Aysan eheen dadkale ahdaftooda. Ahaaw qof dabeecad wanagsan sameyna waxad jeceshay.

Qaladka 6aad. Horumarka Aan Dib Loo Eegin

Hadafyada ayaa qaata waqti, mararka qaar aya dhacda in aad dareemtid in hadafyada aan wax hor umar laga sameyn.
Tani waa sababta ay muhiim utahay in badanaa la keeydiya lana qoraa, horumarkasta aad ka gaartay hadafkada. Sameeyso hadafyo yaryar kuna farax markad gartid hankada, falanqeysana waxad ubaahantahay sida aad horay ugu sii socon leheed, sikasta ay u muuqata in ay waqti qadaneeyso gaaridda hadafka, waxad sameynesaa horumar.

Halkan waxad uga faaiideysankartaa in aad cusbooneysisid hadafyadadda, adigoo ku saleeynaya waxa aad halkan ka baratay. Wax makabadashay sida hadafyadada u qadarisid. Waqti dheer miyaad u baahantahay si aad u fuliso hadafka ama howsha?
Ogsoonow hadafyada laguma qoro dhagax, ee haka baqin in aad wax ka badasho hadafyadada hadad u bahato.

Qaladka 7aad. Dajinta Hadafyo Xun/Negetive

Dareenka iyo waxa aad ka aaminsantahay ayaa saameeyn weeyn ku leh in aad hadafkada gaarto.
Mararka qaar, badanaa dadka wexeey sameysataan hadaf ah in ay “miisanka ika dhimaan.”

Si kastaba ha ahaatee, hadafkan ayaa ah mid xun/negetive ah, waa hadaf ah dhimis wax aadan rabin oo ah – miisanka. Hab wanaagsan/positive oo loo badali karo ayaa ah in aa u dhigtaa waxan rabaa in aan “caafimadka ku dadalaa.”

Hadafkale oo xun ayaa noqon kara in aad hadafka udhigato sida; “wa in aan shaqada ku soo dahin.” Si ka wanagsan middan ayaa ah “ Waa in aan waqti fiican laqataa familka.”
Hadafyada xun aya ah kuwo aan soojidasho leheen, kana dhigeeysa hadafka mid adag. Ubadal hadafyada xun muwa fiican, waxa lagayabaa inaad layaabto farqiga u dhexeeya.

Qaladka 8aad. Dejinta Hadafyo Bada.

Markaad bilaawdo dajinta hadafyada, waxa laga yabaa in niyada kuso dhacaan waxyaabo badan aad rabto in aad gaarto, kadibna aad dajiso hadafyo badan.

Dhibka ka dhasha middan aya ah, in aad haysatid waqti yar iyo awood kooban. Hadad ku mashuushid qabashada howlo badan isku mar, waxey u badantahay hadafyada qaar in aysan helin taxadarkii looga baahnaa.

Waxaad taxadar ah sisaa “tayada hadafka”, kana fogaataa “cadadka hadafyada”. U qadari sida ay hadafyada ukala wanagsanyihiin tusle ahaan lixda ama laba iyo tobanka bil ee so socda. Dooro kuwa ugu muhiimsan, sadex ka qaado kadibna ayaka ku mashquul taxadar gooni ahan sii.

Markad hadafyada so koobto waxaad u heleeysaa waqti dheer iyo awood aad ku qabato si tayo leh.

Qodobo Muhiim Ah

Nolol aan hadaf leheyn waa shiracada doon aan jiho leheyn; wexey u badantahay inaad meel adan dooneyn timaddo. Tani wa sababta aad ugu bahantay in aad lahataa hadaf nololeed hankaaduna uu weynaado si riyadaada kugu rumowdo. Lakiin waa muhiim inaad ka feejignaato inaad ku dhacdo qaladdakan jogtada ah. Wexeyna kuu horsedi kartaa niyad jab, hami xumo ama inaad iska aminta inaad tahay qof aan hami nolol iyo aaqiraba lehen.

Aqbaarta fiican aya ah in aad gareysid hankaaga/hadafkaaga hadad ogaato iskana iilaaliso qaladaadkan”Talo: Wa inaad taqanaa isticmalka stratijiyada xakameynta waqti si ay kugu sahlanaato inaad gaarto hankaaga nolosha.”

Share

Share on facebook
Share on whatsapp

Comment Hoos Inoogu Reeb

subscribe

Qoraallo Kale

kabarro

Madooneysaa in aad kobciso xirfadaada si fursadaada mustaqbalka u korodho 

Qorraalladii Ugu Danbeeyay

alios

Maxaa Kaa Hor Taagan Guusha?

Qoraalkan waxaan kusoo qaadan donaa caqabaddaha saameeya maskaxdaada. Imisa caqabadood ayaa “sax” ah, imisa ayaa ah mala´awaal?Maxaad ka dhaadhicisay nasfsadaada in aadan qaban karin?Maxaad ku

Read More »
alios

Saxiib Fiican Waa La Kasbadaa

Qoraalkan waxan idinkula wadaagayaa sheeko qiima daba xambaarsana cashar muhiiman.Malin aya laba saaxiibo kuwada safray dhul saxara ah, intii ay safarka ku guda jireen ayaa labadii

Read More »

Subscribe si aan kugu soo dirno fariimaha cusub