Goormuu Fikirku Qiima Leeyahay?

Wali ma is weeydiisay ugu yaraan maalinkii oo dhan meeqa fikir oo kala duwan oo aad ku fikirtay? Isla markaana aad ka cabsi qabto inaad qaado tillaabada ugu horeeysay ee fikiradda aad hayso?.Fikir cusub ama ra´ayi cusub inaad hayso waa tilaabada koobaad hee horumarka. 

Waxaan ogsoonahay awoodaha in lala yimaado fikir cusub. Wax soosaar kasta oo cusub…. Howlkasta oo caalami ah…. Horumarka tekonoologiyadda… dhamaan wexeey ka simanyihiin ama ka bilawdaan hal fikir .Xuduud malahan heerka fikirka wanaagsan uu ku geeyn karo. 

Si kastaba ha ahaatee fikir kaligii faaiido malahan. Waxaana hubaal ah ineey kusoo mareen, ama aad hayso fikirro badan oo tayo leh.Ka waran hadii aan kuu sheego in fikiradaada aad ka rumeeynkarto ia.?

Fikir kaligii faaiido malahan hadii aadan wax ka qaban. Fikir kaligii howl ma qaban karo, kuumana horseedi karo guul.

Fikirka wuxuu qiimo yeeshaa marka tallaabo munasab aad qaaddo. Ugu horeeyntii waa inaad fikiradaada ka soo saartaa maskaxda, una badashaa qoraal (warqad ku qor), si tilaabo fikirkan ku saleeysan aad u qaaddo. 

In fikirkaadu uu kuu rumoobo ayaa badanaa ku xiran heerka aad aaminsantahay fikirkan, kasloonidaada iyo la imaanshaha go´aan cad oo aad kaga dhabeeyneeso hirgalinta fikirkaada. Ugu danbeeyntiina aad Allah tala saarato.
Kadib markii aad qaado tilaabo aad ku hirgalineeyso mid kamid ah fikiradahaaga. Nasiib wanaag, jawaabta kuusoo bexeysa ayaa ah laba guullood. 

Guusha koowaad oo ah in uu noqdo fikiran mid ku gaarsiiya guul iyo horumar, halka guusha labaadna aad ku ogaan karto in uu fikirkan shaeeyneenin suuragalna ahayn, sidaas darteed waxaa kaa yaraanaya walwalka ah inaad fikirkan hirgaliso. 

jawaaabta labaad ee soo baxday waxaan uga talaabi karnaa fikirka xiga.Hadii fikirada ficil aadan ka sameeyn, uma baahnid inaadan ka walwasho sabata uu fakirka kuugu qabsoomi waayay. 

Waa inaad go´aansataa qaadida tilaabada muhiim ee ku saleeysan fikirkaada, middan ayaa kuu suura galineesa inaad diiradda ku saarto hadafkaada, ugu danbeeyna guul.

 “Fikirku waa biloow wanaagsan…… lakiin waa hadii aad tilaabo qaado oo kaliya”Isku kalsoonoow. Tixgali fikiradaada wanaasan, ficilna sameey si aad ugu dhabeeyso !!

Share

Share on facebook
Share on whatsapp

Comment Hoos Inoogu Reeb

subscribe

Qoraallo Kale

kabarro

Madooneysaa in aad kobciso xirfadaada si fursadaada mustaqbalka u korodho 

Qorraalladii Ugu Danbeeyay

alios

Maxaad Kula talin Leheyd?

Maalin ayaa nin oday aad uga xumaaday markuu arkay ubadkiisii curadka oo la dhuumaaleysanaya muqaadaraadka sida sigaarka iyo jaadka(khaat). Ninkii odayga aya kuu yimid isaga

Read More »
Somaliya
alios

60 Sanno kadib Maxaa Is badalay

Hambalyo hambalyo dhamaan soomali meelkastoo aad joogtaan waa 60guuradii xoriyadda soomaalia.1dii Luuliyo 1960kii waa midowgii  Goboladii Waqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya halkaasi oo lagu aasaasay dowladii

Read More »

Subscribe si aan kugu soo dirno fariimaha cusub